DHAGEYSO:- Xasan Cali Kheyre ” Aniga iyo Madaxweynaha Waxaan ka shaqeyneynaa Sidii Xayiraada Hubka loogu qaadi lahaa Soomaaliya”..

0

Dowladda Somaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka shaqeynayso sidii xayiraada hubka ee saaran Somaliya looga qaadi lahaa, si Somaliya ay u hesho ciidan awood u leh difaaca dalka iyo dadkiisa.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, xilli uu la hadlaayay Warbaahinta dowladda, wuxuuna sheegay isaga iyo Madaxweynaha iminkaba inay bilaabeen sidii looga shaqeyn lahaa arintaasi.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay dowladda Somaliya haddii aysan gudaha dalka xoog ku laheyn inaysan awood badan ku yeelan karin dalalka dibada ah ee Somaliya xiriirka la leh.

“Dowladeena haddaanay xoog ku laheyn dalka gudihiisa, oo anagana aan isugu dulqaadan weyno, dibadana xoog ku yeelan mayno, arimahan aad ka hadleyso oo ah cunaqabateynta in nalaga qaado diyaar ayaan u nahay in aan ka shaqeyno, waan bilaawnay aniga iyo Madaxweynaha Somaliya ka hadalkeeda si amniga Somaliya wax looga qabto.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Somaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah, awood badana uma lahan dowladda inay soo iibsato hub waaweyn oo ay ku qalabeyso ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Xayiraada hubka ee saaran Somaliya ayaa sababtay awood yaraanta ciidanka Xooga dalka Somaliya oo dagaal kula jiraan Ururka Al Shabaab ee Somaliya ka dagaalama.

Hoos ka Dhageyso Codka:-