DHAGEYSO:- Xildhibaan Aadan Madoobe “ Amaanka guud ee Dalkeena Waxaa gacanta ku haya Saraakiil iyo Ciidamo Ajaaniib ah”..

0

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guud ahaan amaanka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Ciidamo iyo Saraakiil Ajnabi.

Waxa uu sheegay in hada Soomaaliya aysan isku filneyn dhinac walbo, waxa uu xusay in Madaxda Cusub ee Dowladda loogu baahan yahay iney ka shaqeeyaan sidii dalkaan isku filnaan uu u gaari lahaa.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in weli aysan tayaysneyn Ciidanka Qaranka awoodna u lahayn in Dalka ay maamulanaan guud ahaan.

Waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay iney ka wada shaqeeyaan sidii Dalka Soomaaliya uu u dhisan lahaa Ciidamo Qaran oo awood u leh iney sugaan amaanka guud ee Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-