DHAGEYSO:- Xildhibaan Jeesoow “ Farmaajo Isaga Dastuurka ma aqriyo miyaa Muxuu Maalin walbo ugu Xad gudbaa”..

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo loogu baahan yahay in uu si deg deg ah ku hor yimaado Baarlamaanka si Su’aalo loogu weydiiyo dhibka ay wadaan Madaxda Maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu jebiyay Qodob Dastuuri ah loona baahan yahay in si adag loogu ciqaabo jebinta qodobkaasi iyo sida uu u dayacay Masuuliyada loo igmaday.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ay ka shaqeynayaan sidi look ala qeybin lahaa Ciidamada Qaranka.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uusan aqrin qodobada ku qoran Dastuurka maadaama sida uu sheegay qalad badan oo Dastuuri ah uu galay.

“ Horta Madaxweynaha ma aqriyo miyaa Dastuurka Dalka sababtoo ah maalin walbo sharciga ayuu jebiyaa qodobo Dastuuri ayuu hareer maraa maxaa dhacay ma aqriyo miyaa Dastuurka iyo Awodaha uu siinayo ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow”.

Hoos ka Dhageyso Codka:-