DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..

0

Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay wadada taleex ee Degmada Hodan, ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu muuqdo dayac badan oo ku aadan ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya, iyadoo aanan si rasmi ah loo dhaqan galin balan qaadkii Madaxweynaha Somaliya ee ku aadanaa inuu xil iska saaraayo suggida ammaanka Xildhibanada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada Madaxtinimada dalka, waxa uu sheegay inuu meesha ka saaraayo dhaqanka ah in la dayaco ammaanka Xildhibaanada Somaliya oo ah kuwa wax doorta.

Maxamuud Abukaato, ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda inay iska indha tirayaan ammaanka Xildhibaanada qaranka Somaliyed oo shaqo adag dalka ka haayo.

“Walaahi waa nasiibdaro aad u weyn Madaxyinihii Jamhuuriyadda markii uu ololaha ku jiray inuu Baarlamaanka ka hor sheegay inuu xubnaha Baarlamaanka si gaar ah ammaankooda iyo daryeelkooda isaga saari doono, taa bedelkeedana waxaan aragnay dayacaad iyo iska xil saarid la’aan ka jirta meeshaan, marka waa nasiibdaro, balamadii uu Madaxweynaha qaaday dhamaan, maalinba maalinta ka dambeysa inay ka sii niyad jabayaan shacabka iyo Xildhibanada.” Ayuu yiri Xildhibaan Abukaato.

Xildhibaanka ayaa intaasi wuxuu ku daray “Ifafaalaha inoo muuqda ayaa ah maalinba maalinta ka dambeysa waa niyad jab shacabkaan u soo hooyanaysa la rabo 10-sano in dalkaan dib loo celiyo in qarax la isla beegsado.”

Xildhibaan Maxamuud Abukaato, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya ay kala xisaabtamayaan arimaha ku aadan ammaanka Xildhibaanada iyo horumarinta hawlaha shacabka Somaliyed.

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacaayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay gaysanayeen Ururka Al Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka:-