DHAGEYSO:- Xildhibaan Zakariye “Waa Sumcad daro in Arrimo Quseeya Ciidankeena loogu hadlo Shirka London”..

0

Xidhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah ka keenaya Shirka Looga Hadlayo Dhismaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed lagu qabanayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay ka Qeyb galayaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Daneeya Arimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa wax la la Yaabo ku Tilmaayay in Soomaaliya xisilooni ay ka jirto in Shirka looga hadlayo Dhismaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyee in lagu qabto Shisheeye.

“Waxaan la Yaabanahay London maxaa lagala Doonayaa Ciidanka Qaranka maxaase laga Doonay Nairobi Shirka ka Dhacay waxaa la leeyahay waa Soomaali, Xitaa la Taliyaha Dhanka Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka Qeyb galay ma meel lagu Shiro baa laga Waayey Xamar,Mase Kismaayo,Garoowe, Dhuusa-mareeb iyo Jowhar baa laga Waayey, waxaani wax lala dhuumanayo weeye”. Ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Dowlada Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada Saameynta ku leh Siyaasada Soomaaliya ayaa ku Dhawaaqday Shir Caalami ah kaasi loogu qabanayo Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska oo diirada lagu Saarayo Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayna ka qeyb galayaan Madaxda sare Dowlada Soomaaliya iyo iyo Hogaamiyaasha Shanta Maamul Gobaleed ee Koofurta Soomaaliya iyo Wakiilada Dowlada deeq bixiyaasha ee taageera Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-