DHAGEYSO:- Xildhibaano Taageeray Mooshinka horyaalla Baarlamaanka, Kana Soo horjeestay in la kala qeybiyo Ciidamada Dowladda

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si weyn uga digay qorshaha la wado ee ku aadan dhismaha ciidamada Somaliya oo sida la sheegay la go’aamiyay in la dhisaayo 18-kun oo Askari oo loo qaybinaayo dowladda dhexe iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay qorshahan inay wataan dalal shisheeye oo Somaliya dano gaar ah ka leh, wuxuuna sheegay in markiisi hore arintaan ay ka soo bilaabatay Magaalada Nairobi, gunteedana ay ku dhamaatay Magaalada Addis Ababa.

Xildhibaan Fiqi wuxuu si cad u sheegay inuu jiray shir maalin ka hor ku soo dhamaaday dalka Tanzania oo ay isugu yimaadaan Ajaanib kaliya, loogana hadlaayay arinta ku aadan dhismaha ciidamada Xooga dalka Somaliya, iyadoo madashaasi aysan fadhin hal ruux oo Somali ah sida uu sheegay Xildhibaanka.

Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka aysan fasax geli doonin inta laga xalinayo Mooshinka ay soo diyaariyeen Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrintaan ay tahay mid Xasaasi ah loona baahan yahay in go’aan mideysan ay ka qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa mooshinka horyaalla Baarlamaanka.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa si weyn uga digaayo Shirka London ka qabsoomaayo ee looga hadlaayo dhismaha ciidamada Somaliya, waxayna ka digayaan dabinka shirkaasi.

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somaliya ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah arintaasi, waxaana Xildhibaanada ay isku raaceen illaa go’aan cad ay ka gaaraan qorshaha dhismaha ciidamada qaranka Somaliya inaysan fasax geli doonin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-