DHAGEYSO:- Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka hadashay Weerarkii Saraakiil ka tirsan lagu qaaday ee Muqdisho ka dhacay

0

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay lala eegtay kolonyo ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaasi oo marayay Duleedka Magaalada Muqidsho, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Sarkuusta.

Kolnyadan Qaraxa Miinada lala eegtay ayaa waxa ay isugu jireen Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo Gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka, waxayna kormeer ku sameynayeen xaalada dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Degaanka Garasbaley.

Qaraxa Miinada ah ee la doonayay in lagu dilo saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaanan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, inkastoo uu halkaasi ku gubtay Gaari ka mid ahaa kolonyada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fuleynimo ah oo uusan waxba u dhimi doonin howlaha gar gaarka ah ee Imaaraadka uu ku caawinayo shacabka Soomaaliyeed.

“Imaaraadka waxa uu si kulul u cambaareynayaa weerarkii shalay lagu qaaday kolonyada Guddiga Gurmadka Abaaraha, oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka ka soo jeeda, waxba iskama bedeli doono taageerada aan siineyno Soomaaliya, ujeedadeenu waa sidii aan u badbaadin laheyn shacabka.” Ayuu lagu yiri warka Qoraalka ah.

Sidoo kale Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markale ku celisay in ay laba jibaareyso taageerada ay siineyso Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay mareyso wado walba oo shacabka Soomaaliyeed looga badbaadinayo Abaarta macluusha ah ee ka jirta Gobolada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-