Dumar Muslim ah oo soo saaray fatwadii ugu horeysay iyo dad badan oo ka yaaban ku dhawaaqistooda

0

Culimo diinta Islaamka taqaana oo dumar ah ayaa soo saaray fatwo naadir ah oo ku saabsan carruurta la guursado.

Fatwadan oo aan sharci ahaan u dhaqangalaynin ayaa loo arkaa in ay saamayn wayn yeelan doonto, waxay ka soo baxday kulan saddex maalmood ka socday Indonesia oo ay lahaayeen dumarka culimada ah.

Dumarkan culimada ah waxay dawladda ugu baaqeen in ay da’da ugu hoosaysa ee ay gabdhuhu ku guursan karaan laga dhigo 18 halka ay hadda ka tahay 16.

Aqlabiyadda dadka Indonosia waa Muslimiin waxaana ka dhaca guurka ugu badan ee carruurta adduunka soo wajahda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef waxay sheegtay in afartii gabdhood ee reer Indonesia ahba midood la guursado inta aysan 18 sano gaarin.

Shirkan wuxuu ka dhacay jasiiradda Java island, waxaana lagu tilmaamay kulankii koobaad ee ay haween intaas la eg oo culimo ah ay ka qaybgalaan.

Fatwooyinka si joogto ah ayaa looga soo saaraa Indonesia balse caadiyan waxaa soo saara guddiga culimada oo ah waaxda ugu saraysa ee arrimaha diinta Islaamka ee dalkaas, xubnaha gudigaasina badankood waa rag.