FAALLO XIISO LEH:- Goormaa iigu dambeysay!!!?..

0

Goormaa noogu dambeysay in Madax sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo inta soo dhex gasha Shacabka la shaaheeysa, waxaa iigu dambeysay haddaan dambaabin Xilligii Dowladdii Militariga aheyd oo uu Madaxda ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaana ka xasustaa dhowr mar oo aan la kulmay, waxaana ka mid aheyd mar uu noogu yimid Kulliyadda Lafoole horraantii 80-kii oo uu nala fariistay Fasalka iyo Goobta Cuntada, islmarkaana aan wada qadeynay, waxaan kaloo aan xasuustaa galab uu baabuurkiisa iiga qaaday Waddada aniga iyo dhowr adray oo aan wada soconay inagoo markaasi u lugeyneyna Dugsiga Hoose Dhexe 21-ka Oktoobar, waxayna aheyd goor Duhur ah.

Madaxweyne Siyaad Barre waxaa na dhexmartay sheeko, waxa aan u sheegnay in Dugsigii aan dhigan jirnay la bur-buriyay, kaasi oo markaasi laga dhigay Dekedda weyn ee Muqdisho, ayna dhib nagu tahay in goor galab ah oo cad-ceeddu kulushahay aan u lugeynno Iskuul naga fog, waxa uu na geeyay Dugsigii ilaa uu nagu hubsado Fasalkii aan wax ka baraneynay, waxa uuna noo sheegay in dhawaan Dugsi idiin dhow la idin siin doon, waana uu ka dhabeeyay waayo 3 bilood kadib waxaa naloo soo wareejiyay Dugsiga Hoose Dhexe ee Raage Ugaas, oo markii dambe ay qaadatay Shariikadda Muuska ee Somali Fruits ee u dhow Dekedda Muqdisho.

Dulucda qormada ayaa ah meelaha ay tagayaan Madaxda Dowladda oo ay ka mid tahay goobaha ay Bulshdu isugu timaado, waxaa i soo jiitay booqashooyinka uu Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda federaalka Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ay xeebta Liido kula baashaaleen dhalinyaro ku damaashaadaysay xeebta, kuwaasi oo ay ku jireen qurba joog dalka ku soo laabatay, waxayna dhalinyarada ka dhageysteen sida ay ugu faraxsan yihiin inay damaashaad u yimaadaan Liido, waxayna halkaasi Kheyre iyo Taabit ku daawadeen ciyaaro janeestiko ah oo dhallinyarada ay soo bandhigeen.

Waxaa kaloo ka mid ahaa oo aad ii soo jiitay markii uu R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muadne Xasan Cali Kheyrre uu Dad shacab ah kula shaahay Maqaayad ku taal Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, Ra’iisul-wasaaraha waxa uu ka soo baxay hotelka City Plaza oo xaflad dhaqaale loogu aruurinayay dadka abaaruhu saameeyeen ayaa si lama filaan ah ugu soo degay gaarigiisa, isagoo la fadhiistay dhalinyaro aad u yaryar oo maqaayad shaah ka cabayay, isagoo la sheekeystay dhallintaasi.

“Waxan shacabkeyga u sheegaya inaan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonaada, inagoo ku jirno halganka lagu soo celinayo sharaftii Dalka iyo Ummadda” ayuu yiri R/wasaaraha.

Way fiican tahay in mar mar booqashooyin kadis ah lagu tago goobo, waxaase ka sii fiican in wax laga dhageysto Dadka goobaha loogu tago, islmarkaana la fuliyo waxyaabaha ay ka tabanayaan iyo codsiyadoodaba, marka waxa aan dhihi karaa goorma ayaa iigu dambeysay inaan arko Madax sare oo ka tirsan Dowladda oo kormeero ku taga goobaha Bulshadu ay ku badan tahay, waxaana looga baahan yahay Masuuliyiinta inay badiyaan kormeeradaasi.

Waxaa qoray C/llaahi Ruush.