Hay’adda Amnesty International oo Hal Arrin ku Canaanatay Madaxda Puntland, Fariin Hanjabaadna u dirtay

0

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaaugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo qorshe uu doonayo inuu ku daldalo laba wiil oo maxkamad milatari ay bishii February ku xakuntay dil.

Dhallinyaradaan ayaa lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen dilal loo geystay saddex sarkaal oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

Hay’adda ayaa ogaatay in Maxamed Yaasin Cabdi oo 17 jir ah iyo Daa’uud Sacid Sahal oo 15 jir ah laga yaabo in la dilo waqti kasta, kadib marki horay 8-dii bishan April loo dilay wiilal kale oo da’doodu ay u dhaxeysay 14 ilaa iyo 17 sano.

Amnesty International ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in Puntland mar kale dil fuliso, islamarkaana ugu baaqday inay joojiso dilalkaasi dibna loo maxkamadeeyo wiilashaasi si cadaalad ku jirto, iyagoo lasii marinayo maxkamd rayid ah.

Xubnaha Qoyska wiilashaasi ayaa u sheegay hay’adda Amnesty in wiilasha oo dafiray inay yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab si xin loo jirdilay iyagoo koronto la qabadsiiyey, qaarna xubnaha taranka sigaar looga gubay, si ay u qirtaan waxa lagu eedeynayo.