Itoobiya oo xukun xabsi ah ku riday laba Wiil oo Soomaali ah

0

Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa xukun sanado xabsi ah waxay ku riday Laba wiil oo Somaliyed, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen  inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Badri Yuusuf iyo Anas Cismaan ayeey maxkamaddu ku xuntay min 6 sano oo xabsi ah, sida ay baahisay warbaahinta qaranka ee dalkaasi Itoobiya.

Raggan la xukumay ayaa lagu eedeeyay inay maleegayeen dhismaha koox ka dagaalanta Itoobiya, islamarkaana xiriir la leh Al-Shabaab, balse Sirdoonka dalka Itoobiya oo helay macluumaadka raggaan ayaa soo qabtay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Labadan wiil ee Somaliyed ay xirnaayeen muddo Saddex sano ah, kuwaasi oo baaritaanno dheeraad ah lagu haayey.

Ma jirin fursado la siiyay dhallinyaradan Somaliyed oo ku saabsan iney is difaacaan, hase ahaatee xabsiyo ku yaalla gudaha Itoobiya waxaa ku xiran muwaadiniin badan oo Somaliyed.

Itoobiya ayaa ka mid ah dowladaha ay dalka ka joogaan ciidamada, kuwaasi oo la dagaallama Shabaab, illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Safaaradda Somaliya ee dalka Itoobiya oo xukunka wiilashan Somaliyed ay uga hadlayaan.