Mareykanka oo qaadaya Weeraro ka dhan ah Al-Shabaab

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qaadayso howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda gaanshaandhiga dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan Weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan Al-Shabaab.

Dhankale Wasaaradda gaashaandhiga ayaa ku wargelin Hay’adaha Samafalka in ay soo gudbiyaan meelaha ay shaqaalahooda ay ku sugan yihiin si aan loo beegsan.

Wargelintaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la ogaado goobaha Caafimaadka, kuwa waxbashada ee ay leeyihiin Hay’adaha Samafalka ee ku yaalla degaanada Al-Shabaab ay maamulaan.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay qaadayso howlgallo dhanka cirka ah oo lagu baacsanaayo Xakarada Al-Shabaab.