Mareykanka oo u digay Hay’addaha samafalka ee Soomaaliya ka Howlgala

0

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in ay dhawaan fulineyso weeraro ka dhan ah Al-Shabaab,waxaana ay digniin u direen Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Somaliya.

War ka soo baxay Pentagonka Mareykanka ayaa wargelin loogu diray Hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya Somaliya iyo shaqaalahooda waxaana laga dalbaday in ay gudbiyaan goobaha ay ka joogaan Somaliya.

Mareykanku waxa uu sheegay in uu qaadayo weeraro ka dhan ah Al-Shabaab,islamarkaana uu digniintan u diraayo Hay’adaha samafalka ah si aan khasaare uga gaarin duqeynta Mareykanku qorsheynaayo.

Waxa warbixinta lagu dalbaday in Hay’adaha aan dowliga ahayn ee Somaliya ka shaqeeya ay Mareykanka u gudbiyaan goobaha ay xarumaha ku leeyihiin, sida Isbitaallada,Xeryaha Barakacayaasha iyo dhismayaasha ay deggan yihiin ee ay shaqaalahooda ku shaqeeyaan.

Wargelintan oo ku taariikheysan 24-kii April ayaa waxa ay Dowladda Mareykanka u soo marisay Hay’adaha samafalka Hay’adda samafalka ee Mareykanka ee USAID, taas oo waaxda ka hortagga Musiibooyinka ee arrimaha dibadda Mareykanka ka heshay Warqadda wargelinta ah.

Pentagonka Mareykanka waxa uu sheegay in aysan jirin illaa hadda weerar dhanka Cirka ah oo 2017-ka uu Mareykanka ka fuliyay Somaliya inkasta oo Hay’adda BIJ, ay shaacisay hal weerar oo uu Mareykanka ka fuliyay Somaliya.