Maxaadan Ogeyn oo saakay ka cusub Muqdisho iyo Gobolada dalka?..

0

Xalay ilaa iyo saakay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ayo roob mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada inkastoo saameyn uu geystay meelaha qaar laga soo sheegayo.

Roobka oo ah mid xoogan ayaa biyo dhigay wadooyinka qaar,waxaana jira Wadooyin muhiim oo ay biyaha xireen.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii Biyaha uga bixin lahayd Wadooyinka muhiimka ah,sida gaadiidka iyo dadka si caadi ah ugu isticmaalaan.

Saameynta ugu badan roobka wuxuu ka soo gaaray dadka ay iyagu barakacayaasha ah ee ku jira guryaha ka sameynsan cowshado iyo bacaha ee aan awooda u lahayn iney celiyaan dhibicda roobka.

Roobabka xilliga gu’ga ayaa curtay,iyadoo dadka mudooyinka la soo dhaafay ka cabanayay Abaaro ay sababtay roob la’aanta dhacday.