Nidaam-dowladeed ceynkee ah baa ku haboon dalkeenna Soomaaliya ?

0

Inta aanan ka waramin nooca nidaam-dowladeed ee ku haboon dalkeenna Soomaaliya ee ay waayadani qataraha badani kaga soo fool leeyihiin Shisheeyaha isugu jira cadaanka iyo madowga ee u soo qalabqaatay boobka kheyraadkeena. Aan marka hore ka hadlo labo arimood oo aad u muhiimsan, Kuwaasi oo kala ah: Canbaareyn aan u jeedinayo Baarlamaanka Federaaliga oo si indho la’aan ah u ansixyey xukuumad tiro badan oo aan loo baahneyn, iyo soo gudbin ku aaddan halbeegga aan Anigu wax ku cabiro marka aan wax taxliilinayo.

Talaabada ay qaadeen Xubnaha Baarlamaanka, Waxa ay muujineysaa inayan si fiican u aqrinin fariimaha ka imaanayey dadweynaha Soomaaliyeed ee sharafta badan, Kuwaasi oo ku qotomey in markan loo baahan yahay isbadal dhab ah oo wax ka badala xaaladaha siyaasadeed, kuwa dhaqaale, kuwa amni iyo waliba kuwa bulshe ee ka jira dalkeena. Fariimahan, Ayaa sidoo kale ku qotomay inayan dowladnimadu noqonin goob laga faafiyo dhaqamada xun xun ee lidiga ku ah diinteena Islaamka iyo dhaqankeena suuban.

Waxa ay ahayd in Baarlamaanku ka dalbado Ra’isulwasaaraha in uu wax ka soo badalo golahan wasiirada ee tirada badan, iyo waliba magacyadan aan macnaha sameyneynin ee uu ku sheegayo wasaarado. Sidee loo ansaxinayaa yaa turaa gole wasiirro oo ka kooban 67 xubnood, Iyadoo ay dalka ka jirto dhaqaaloxumi baahsan iyo waliba abaaro daran ? Maxaase diidayo in la yareeyo golaha wasiirada inta laga baxaayo dhibaatooyinkan jira ? Maxaase faa’iido ah oo Shacabka Soomaliyeed ugu jira xukuumad tiro badan ?

Qaabka loo dhisay xukuumaddani, Ayaa waxa uu muujinayaa in shanta sanam (Daarood, Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beesha shanaad) ee wax lagu qeybsada ee ka jira dalkeenna ay wali yihiin kuwa xooggan oo aan laga gudbin karin, Kuwaasi oo ay ku qaraabtaan kuw xun xun ee ku jira bulshadeenna ee qabiilka u isticmaala aalad ay xilal ku qabtaan iyo waliba farsamo ay dhaqaalo ku uruursadaan. Sow ceeb ma’ahan in 17 sano ka dib ay dadka qaar wali ka hadlayaan hab-qeybsiga loo yaqaanno 4.5-ka ee baadilka ah ?

Qodobka labaad ee muhiimka ee aan doonayo inaan ka hadlo ayaa ah halbeegga aan Anigu wax ku cabiro, gaar ahaan marka aan ka hadlayo arimaha caamka ee quseeya dalkeenna iyo dadkiisa. Waa muhiim runtii in dadkaagu ay garanayaan halbeegga aad wax ku cabireyso, gaar ahaan marka aad tahay qof qoraa ama wax taxliiliya, Waana sababtaasi sababta aan qodobkan uga hadlayo, Si ay dadka Soomaaliyeed u fahmaan halka aan ka duulayo iyo waliba hubka aan sito.

Walaalayaal, Anigu waxaan wax ku cabiraa halbeeg ka kooban waxa uu ka samaysan yahay qofka Soomaaliga ee uu waliba uga duwan yahay qofka kale ee Bini’aadamka ahi. Halbeeggan, Ayaa ka kooban diinteenna, dhaqankeena iyo waliba luuqaddeenna qaaliga ah. Waxa uu sidoo kale ku qotomaa in maslaxada caamka ee umadda Soomaaliyeed mar walba laga hormariyo midda gaarka ah sida qabiilka, xisbiga, gobolka, degmada, xaafadda iyo waliba tuulada.

Waa wax lala yaabo runtii inaad aragto dad Soomaali oo wax qorayo ama wax taxliilnayo, Oo hadana aad ku wareereyso cidda ay yiihin: Ma Soomaali mise Ajanabi. Waxaad kaloo ku wareereysaa diinta ay haystaan iyo cidda soo barbaarisay. Marka aad qoraa tahay ama aad wax taxliilineyso, Waa qasab runtii inaad mar walba u xagliso daanaha caamka ee dalkaaga ama aad iska aamusto. Waxaa kaloo muhiim ah inaad garaneyso taariikhda dadkaaga, Si aad u ogaato yaa cadow, Yaase saaxiib ah ? Yaa wanaagaaga ku farxa, Yaase ka naxa ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga hadlayo nooca nidaam-dowladeed ee ku haboon dalkeenna Soomaaliya oo ay waayadani qataro badani kaga soo fool leeyhiin shisheeye isugu jira cadaan iyo madow, Kuwaasi oo u soo qalabqaatay boob iyo bililiqeysi baahsan, iyo waliba in ay lacag ka sameeyaan dhiigga dadkeena, Iyagoo isticmaalayo magacyo aanan garaneynin waxa loola jeedo iyo cidda soo aliftay. Hadabo, nidaam-dowadeed caynkee ah baa ku haboon dalkeenna ?

Anigoo ka jawaabayo su’aashaasi muhiimka ah, Iyadoo waliba aan wax ku dhisayo caqligeya, aqoonteyda, waayo-aragnimadii aan ka dhaxalnay nidaamyadii aannu soo tijaabinay, qaabka uu u dhisan yahay mujtaceenna iyo waliba waxyaabaha aannu maanta ka aragnay nidaamka federaalka ee hadda lagu dhaqmo, Kaasi oo keenay in maamul goboleed uu heshiis caalami ah la galo dowlad shisheeye, Iyadoo ay dalka ka jirto Dowlad Dhexe oo la aqoonsan yahay, Islamarkaana ku shaqeysa Xaruntii dalka looga talinayey

Anigu, Waxaan qabaa in dalkan uu u baahan yahay nidaam dowladeed adkeyn kara midnimadiisa, madaxbanaanidiisa iyo waliba haykalkiisa dowladnimo, Iyadoo aan waxba loo dhimeynin sharafka iyo xoriyaddda qofka Soomaaliga ah. kaasi oo hadana fudud hirgelintiisa, Islamarkaana aanu u baahneyn lakabyo badan oo isdulsaaran oo dhinaca maamulka ah sida nidaamka federaalismka oo kale.

Walaalayaal, Marka aan fiiriyey nidaamyo dhowr ah oo Aduunka ka jira oo ay ku jiraan kuwii aannu horay u soo tijaabinay iyo midka hadda aan ku dhaqanno ee federaalismka ah. Anigu, Waxaan qabaa in dalkeennu uu u baahan yahay nidaamka loo yaqaanno unitary system (dowlad dhexe oo xoog badan) oo runtii ah nidaam aad u wanaagsan, Islamarkaana horay loo soo tijaabiyey, Kaasi oo aanan u baahneyn culuum fara badan iyo waliba lakabyo badan oo isdulsaaran.

Nidaamkan, Ayaa ah mid degan, Islamarkaana talada inteeda badan ku uruurinaya dowladda dhexe, Taasi oo ka dib fudududaaneysa in si deg deg ah loo dhaqangeliyo go’aamada iyo qaraaraadka masiiriga ah ee ka soo baxa laanta fulinta ee uu hogaamiyo madaxweynaha dalka. Nidaamkan, Ayaa sidoo kale meesha ka saarayo loolan xagga awoodda ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo maamulada kale ee dalka ka jira maadaama talada inteeda badan ay ku uruursan tahay dowladda dhexe.

Waxa uu sidoo kale adkeynayaa midnimada iyo wadajirka dalka, oo haatan ay faro ba’ani ku hayaan liitaayaal Soomaali ah oo uu shisheeye soo barbaariyey, Si ay u kala dhantaalaan midnimada iyo wadajirka oo runtii qiimo badan noogu fadhiya, Wallow aysan sidaasi u fahamsaneyn liitayaasha uu caqliga ka dhamaaday ee uu ka midka yahay Faysal Cali Waraabe, Kaasi oo kala garan la’ ciidda uu wax ka tabanayo: Ma shacabka Soomaaliyeed ee uu Isagu ka dhashay mise Dowladdii hore ee Siyaad Barre !!

Tusaale ahaan, Nidaamkani waxa uu fududeynayaa in Wasiirka Arimaha Gudaha iyo shaqaalaha hoos yimaada wasaaraddiisa ee ku sugan tuulo ku taallo xuduudda dalka ay si deg deg ah u kala warqaataan, Iyadoo aan waqti badan lumin, halka maanta taasi aysan suurtagal ahayn sababo la xariira nidaamka federaalka ee khabiithka ah. Taasina waxaa daliil u ah booqashadii sharcidarada ahayd ee uu dalka ku soo galay Uhuru Kenyaata iyo waliba shisheeyaha la midka ah ee dalka soo gala, Iyadoo aysan cidin la soconin.

Haddii la isla helo nidaamka unitary systemka iyo midka loo yaqaano presidential system oo uu madaxweynuhu hogaaminayo laanta fulinta, Isagoo sameysanayo m/kuxigeen iyo gole wasiirro oo Isaga hoos yimaada, Waxan aaminsanahay in dalkan la badbaadin karo, Islamarkaana laga dhaqaajin karo meesha uu hadda taagan yahay, oo runtii ah meel aad u foolxun, balse aysan ka run sheegeynin kuwa sheegta siyaasiyinta. Bal ila fiiriya nidaamdarada maanta taagan ee lagu faanayo iyo waliba iibka ku socda dhulkii hooyo!!

Ma xaq baa in maamul goboleed uu heshiis caalami ah la galo dowlad shisheeye, Iyadoo ay dalka ka jirto Dowlad Dhexe oo la aqoonsan yahay, Islamarkaana ay kuwada jiraa dhamaan dadka Soomaaliyeed ? Mase la aqbali karaa in maamul beeleed uu ku tagrifalo ama uu kireeyo hanti ka dhaxeysa dhammaan dadka Soomaaliyeed ? Yaase lahaa lacagihii lagu dhisay dekadahan la iibinayo ?

Tan kale, Sow looma baahno in dowladnimada la casriyeeyo, Iyadoo laga tagayo dhaqamadii hore ee la isticmaali jiray xiliyadii hore sida madaxweyne la daba istaago, madaxda oo loo aaso qaab ka duwan sida ay shareecadu tilaameyso, heesaha oo lagu qaado goobaha la isugu yimaado iyo waliba isdhexgalka ragga iyo dumarka ? Anigu, waxaan qabaa haddii la doonayo in ay wax hagaagaan waa in la kala saaraa dowladnimada iyo waxyaabaha aan diin ahaan wanaagsaneyn.

Gabagbadii iyo gunanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay waxa ay wax ka tari karaan hiraadka loogu jiro hilitaanka dowlad wanaagsan oo dalkan ka saarta dhibaatada uu dhex-muuqaranayo ku dhawaadka sodonka sano. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda oo aan rajeynayo in la qaadan doonno:

1-In la qaato nidaamka loo yaqaanno unitary system (dowlad dhexe oo gacanta ku haysa talada inteeda badan)

2-In lagu dhaqmo nidaamka loo yaqaanno presidential system (madaxweynaha oo masuul ka ah laanta fulinta Iyadoo uusan jirin ra’isulwasaare)

3-In wasaaradaha lagu qeybiyo 18-ka gobol ee uu dalka ka kooban yahay, Iyadoo gobol walba la siinayo hal wasiir.

4-In laga guuro isticmaalka dhaqamadii hore sida madaxweyne la daba istaago iyo baanbay loo tomayo nin dhintay.

5-In laga taqaluso inta ay goorigoor tahay nidaamka 4.5-ka ee baadilka ah iyo waliba federaalismkan fidarada ah.

6-In meesha laga saaro dhammaan heshiisyada lala galay shisheeyaha oo ay ku jiraan kuwo lagu wareejiyey dekadaha.

W/Q: Maxamed Ibrahim (ragow)
ragow1960@hotmail.com