Saraakiisha ciidanka Afgooye oo sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Al-Shabaab ay ku soo qaadaan

0

Saraakiisha ciidamada Booliska Degmada Afgooye, ayaa sheegay heegan buuxa inay ka galeen weeraro Shabaab ay ku soo qaadaan Degmada Afgooye.

Taliyaha ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Afgooye Amiin Maxamed Cismaan, ayaa Warbaahinta u sheegay ciidamada inay joogteeyeen hawlgalada ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidanka ay heegan ku jiraan xilli walbo, kana shaqeeyaan amniga degmada iyo nawaaxigeeda.

“Ammanka degmada run ahaantii aad iyo aad buu u hagaagsan yahay, waxay ciidamada sameeyaan howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waa laga yaabaa in mararka qaar ay wax dhacaan, balse Booliiska howlgalkiisa joogsi maleh” ayuu yiri Taliyaha.

Habeen ka hor dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weerar ku qaadey fariisin ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku lahaayeen degmada Afgooye, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.