Shalay daawo iyo cunto, maantayna biyo dhaamin, berina deeq waxbarasho waa suuragal…

0

Markasta baahi tire waa Allah oo kiliya, ilaaheyna waxeynu ka baryeynaa in uu ummaddiisa siiyo Raxmad kheyr qabta. Amiin yaa Allah.

Aniga oo intaas aan sheegay aaminsan ayaan hadana waxaan ogahey maalinta ay tagto barako beel qofkii muujiya xilkasnimo garasho iyo wax qabad dadku in aysan ka abaal dhici’doonin, ilaaheyna uu siin’doono wanaag iyo xasanaad badan. Dadkaas Soomaliyeed ee dhibaateysan dadka u muujiyey dareen bini aadamnimo iyo mid Soomaalinimo waa ay badan yihiin hal qoraalna laguma soo koobi karo, sidaas daraadeed way mahadsan yihiin dhamaan dal iyo dibadba.

Somalia inteeda badan Abaarta waa ay saameysay- haba loo kala bateeh,Gobolka Galgaduud Waqooyigiisa waxaa ka dhacday Abaar aad u xun taasoo leysay dad iyo duunyo intaba. Waqooyiga Galgaduud waxaa ka soo jeeda dad xilal muhiim ah ka haya dowladda Somalia iyo maamul goboleedyada intaba, sida, madaxweyne, ku xigeen iyo Xildhibaanu.

Dadkaas haya xilalkaas muhiimkaa meysan jirin qof hal daqiiqo u dadaalay inkastoo ay yihiin dad intooda badan ku helay xilalka ay hayaan shacabkaas tabaaleysan maantay dartood marka laga reebo Xildhibaan u dhaartay, runtiina oofshay, waana Xildhibaan Abdi Shire Jama oo geeyey Waqooyiga gobolka Galgaduud 3 Diyaaradood oo waday daawo iyo cunto nafaqo ah codsaday’na in si siman dhamaan loogu qeybsho shacabka Soomaliyeed ee degan deegaanka ay Abaarto haleeshay kuwa ugu sii liita amase ku waayey duunyo iyo dad intaba.

Sadexdii Diyaaradood ee tagay Cabudwaaq shacabka si bini aadam’nino muslimnimo, Somalinimo iyo eheltinimo ku jirto ayaa loogu qeybshay, Allah ayaana ku mahadsan.

Xildhibaan Abdi shire Jamac waxaa uu ii sheegay xalay mar aan la hadlay in ka dib markii uu arkay dareemeyna in dadkii la doortay aysanba dantood aheyn dhibka heysta shacabkoodii keenay Xamar in uu dadaalkii bini aadam’nino,muslimnimo, somalinimo iyo ehelnimo sii labada jibaarey si uu dadkiisii u badbaadsho mid isaga soo doortay iyo mid aan soo dooran intaba badbaadintooduna ay tahey “MUQADIS”

Xildhibaaku waxaa uu ii sheegay haddii aysan imaan Raxmaddii Allah in uu biyo dhaamin ka bilaabi doono Waqooyiga gobolka Galgaduud maalmaha soo socda, waa haddii Allaha weyn uu ogolaado haddana ay ku jiraan maareyntii qaabka ugu sahlan ee deegaankaas dheer biyo dhaamin loogu gaarsiin karo.

FIIRO GAAR AH, Xildhibaan Abdi shire Jamac waxaa uu ii xaqiijiyey dadaalkaan iyo kii horeba in uu lahaa isagu _madaxweyne, ku xigeen iyo Xildhibaan kala shaqeeyey amase la dadaaley in aysan jirin, Wuxuu se qiray in uu jeclaan lahaa in dhaartii loo dhaartay shacabka laga soo baxo, aan lagu qancin hoteelada sida privateka ah loo lee yahey iyo jiifkooda.

W/Q: Caam Caam