SOOMAALIYA OO HESHAY HOGAAMIYIHII SAXDA AHAA GOORTII SAXDA AHAYD IYO GOOBTII SAXDA AHAYD.

0

Dadka Soomaaliyeed oo ah marka laga hadlayo afrika iyo guud ahaanba aduunka dadyaqwga ugu filka wayn ayaa waxay lahaayeen dhaqan qiimo badan oo leh soo jiidasho.Soomaalidii hore waxay ahaayeen dadku caan ah soo dhawaynta iyo marti soorka sokeeye iyo shisheeyaba. Waxay soomaalidu caan ku ahaayeen duniduna ku qadarin jirtay arimahan.

1.Dad leh qab sare oo iskula wayn soomalinimadooda,dalkooda iyo diintooda.
2.Dad geesiyaal ah oo u u dhinta sharafkooda, dalkooda,diintooda.
3.Dad iskala wayn in shisheeye wax u yeeriyo oo gumaysto.

Hadaba soomaalidii hore iyo awoow yaasheen waxay dalka soomaaliya ka ilaasheen kana difaacaan gumaystihii soo damaaciyay iyagoo aan lahayn aqoon badan haysana hub iyo qalab ay ku dagaalamaan.Awaaw yaasheenii hore ee soomaaliyeed waxay inooga taganee dhaxalka dhulkaan quruxda badan iyagoo ku difaacay waran iyo tooreey.Waa mahad sanyihiin,waxay inoo ilaasheen afkeenii,midabkeenii maariinka ahaa maxaayeelay way iskala waynaayeen guurka saancadaalaha ama cadaanka iyo shisheeyahaba.Waxay inoo ilaaliyeen diinteena islaamka ah ee larabay in laynaga badalo waxayna inoo oogi jireen dugsiyo quraan iyagoo loox iyo ardaa wax inoogu dhigi jiray qarniyaal iyo qarniyaal badan.Waxay inoo difaaceen arimahan soo socda oo ah sidan.

1.Diinteena islaamka ah oo ah suni haysta mad habta shaaficiya.si aan khilaaf inoogu dhicin waxay inaga ilaasheen mad habkale sida xanbali iyo maaliki. sidaa daraadeed soomaalidu diin ahaan iyo caqiido ahaan halbay ahayd ragbaana ilaashanayay rag ahaa.

2.Afkii soomaaliga way inoo ilaaliyeen afkasta oo walba oo shisheeye inoola yimid iskuna dayay inuu keena liqo oo tirtiro gaashankay ku dhufteen oo iska diideen in keenu meesha ka baxo sida dalalbadan lagu sameeyay oo maanta aan lahayn afkoodii hooyo.

3.Waxay inoo ilaaliyeen midabkeenii maarinka ahaa casaanku galay,kanoo ah mid aan gaar uleenahay oo ilaahay ina siiyay naxariista xagiisa ahaatay.waa deeq ilaah inagu galadaystay oo gaar inoo ah.

Hadaba intii aynu dawlada noqonay 1960 ilaa 1990 wax baa inoo dhawr sanaa oo waxay soomaalidu ahayd dal iyo dad leh sharaf nidaam iyo haybadii lagu yaqiinay qarniyaal.Hayeeshii xiligii dalkeenu galay burburka iyo dagaalada sokeeye dawladii dhaxana meesha kabaxday ayaa waxa inagu dhacay qaran jab xoog leh oo sababay in soomaalidu noqoto dadka aduunka uugu liita xaga sharafta,dalkeeniina noqday dalka aduunka uugu hooseeya xaga nabad galyada iyo musuqmaasuqa oo ah sida dal iyo dad aan jirinba. waxaa noqonay wax lagu maad sado oo lagu maahmaaho heerka yasmada iyo duleeyn bashar la duleeyo tan u liidata.waxan arintaa ku jiraa laga soo bilaabo 1.1. 1991-7.2.2017.


Ogoow xiliwalba raga markaa inoo kaca ee talda haya ayay ku xirantahay siday kolkaa u ilaaliyaan diinteena,dalkeena,dadkeena iyo sharafkeena.26 sanadood maynaan helin hogaamiye sax ah oo dalka iyo dadka soomaaliyeed wax u qabta oo soo nooleeya sharafkii iyo kala danbayntii iyo difaacii dalka soomaaliyeed.Waxaan wada ogsoonahay kii hada u danbeeyay Xasan sheekh in uu dan mooday kiish xumoo beeso laga buuxshay xaaran ah!! ninkaan kasugayna in uu dadkaan iyo dalkaan baaba ay inta tabartiis ah caynsho waxa uu 4 sanadood ku mashquulsanaa beeso.Maanta waxaa inoo kacay oo dadka soomaaliyeed ay simiyir leh u doorteen hogaamiyihii saxda ahaa waxayna doorteen goortii saxda ahayd ee aynu uugu baahi badnayn waxayna ku doorteen goobtii saxda ahayd oo ah caasimadii umada soomaaliyeed Mogdisho ayadoo aan lala aadin dibad iyo xataa gobolkale toona.

Waxaan durba aragnaa in soomaalidu soo ceshanayso sharafkii ay caalamka kulahayd ee lagu yaqiinay.Hogaanku haduu kuu hagaago madaxda oo dhami waa hagaagayaan hadii madaxdii hagaagtana shacabkuna waa hagaagayaa markaasaan diinteena iyo dalkeena iyo dadkeena difaacanaynaa oo helaynaa nabad iyo hormar oo aan la tartamaynaa dawladaha dariska ah iyo caalamkaba.Maanta waxaan ilaahay uugu mahad celinaynaa waxa uu inoo soosaaray hogaamiye fiican,raysal wasaare fiican,wasiiro fiican,baarlamaan fiican,gudoomiyayaal baarlamaan oo fiican mid aqlka sare iyo mid golaha shacabkaba,waxaa inoo dhismaya wixii inaga maqnaa mudo dheer oo ah ciidankii qaranka soomaaliyeed ee laga cabsan jiray dalkana gaadhka kahanjiray.

Allaah haynoo dhaafo madaxdeena maanta hogaamiyaheena FARMAAJO waxa uu inoo soobaxay goor sax ah iyo goob sax ah.Maanta soomaali way ogaatay cadawgeeda isku dirayay mudo dheer waxayna dal iyo dibadba u istaageen difaaca dalka dadka iyo diinta.waxay qashinka ku rideen oo iska tuureen qabyaaladii,gobolaysigii,soomaaliya waa hal waana isku mid lamana kala qaybinkaro si loo guumaysto. soomaali waa isku diin isku dal isku dad lamana kala qaybinkaro.Waxaan u mahad celinayaa shacabka Mogdisho ee sida geesinimada leh ula shaqaynaya dawladooda ee soo sheegay markiiba cadawgii hoobiyaha ku tuuray shacabkeena oo ina baa bi inaya taasoo markiibii ciidankii xooga soomaaliyeed cadawgii halkoodii ugu tagay oo ku dilay guushaa shacabkaa keenay. uma adkaysan karo in shacabkeena caasimadeenii mogdisho lagugumaado dad cadaw lacag soosiiyay iyo shisheeye gumaadaan. waa inaan magaalada ka xoraynaa cadawga iyo cadaw kalkaalaha. caruurteenu waa inay nabad ku seexdaan nabad ku toosaan nabad ku aadaan iskoolka. qof cabsanayaa wax ma barankaro!! nolalna mahaysto. Mogdisho hays xorayso in yar baa u dhiman hays raaciso shacabka iyo dawladuna haysku duubnaadaan. shabka mogdisho waa u mahad celinaa dagaalka ay bilaabeen ee is xoraynta ah. waxayna heleen hogaamiye daacad u ah oo jecel iyaga iyo guud ahaan soomaaliya oo nabad ah lehna nidaam iyo kala danbayn.

Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com