TOP NEWS:- Al-Shabaab oo Gabar dhawaan ka soo laabtay qurbaha ku Afduubay Gobolka Sh/Hoose

0

Koox Hubeysan oo ka kooban 5 qof oo mid ka mid ah ay aheyd Dumar ayaa Shalay deegaanka Garas-baalay ee duleedka magaalada muqdisho ka afduubtay Luul Axmed Cali oo dhawaan kasoo laabatay Magaalada Abuu Dubai ee Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaankaasi 4 nin iyo 1 qof oo dumar ah oo wata Boostoolado iyo 1 Gaari ayaa luul ka afduubtay gurigeeda oo ku yaaala duleedka magaalada muqdisho Barqadii Shalay iyagoo geeyay Magaalada Buula-Mareer oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Kooxda Gabadha afduubatay ayaa markii ay geeyeen magaalada Buula-Mareer ee Shabeelaha Hoose waxay Telephone Gacanta ay ka soo waceyn Hooyada Dhashay Luul Axmed Cali iyagoo weydiistay Lacag Madax Furasho ah in ay ugu keento Buula-Mareer oo Gabadha Afduub loogu Heystay.

Qof ka mid ah dadka ku nool Garas-baalay oo ay qaraabo yihiin Luul Axmed Cali oo naga diiday in aan adeegsano magaceeda iyo codkeeda Sababo dhinaca Amniga ah ayaa waxaan ka soo xiganaynaa

“ Shalay Barqadii waxaa noo yimid koox gaari wadata oo ku hubeysan Boostoolado Afkana soo duubtay waxay naga watayn luul, waxayna noo shageyn in ay gabadha dili doonaan hadii aan qeylino ma jirin goob ciidan oo noo dhaw si aan ugu war-gilino kiiskaan, inagoo yaaban ayaa waxaa nasoo wacay telephone waxayna noo sheegeyn in aan Buula-mareer ugu geyno cadad lacageed oo ay sheegtayn inta aysan qoraxda dhicin waana ugeynay waxaana kasoo wadanay Gabadhayn Luul Axmed Cali ” Sidaasi waxaa ii shegtay qof ka mid ah dadka garas-baalay oo ay qaraabo yihiin Luul Axmed Cali.

Waalidiinta Gabadha la afduubtay ayaa waxaa loogu handaday in la weerari doono hadii ay warbaahinta kala hadlaan arintaan ama ay ku wargiliyaan Laamaha Amaanka Soomaaliya lamana oga ilaa hadda cidda Afduubkaasi ka danbeysay.

Deegaanka Garas-baalay oo muqdisho u jira wax ka badan 10 KM ayaa waxaa ku nool Kumma naan dad ah oo ka barakay dagaaladii magaalada muqdisho ka socday sanadiihii lasoo dhaafay Sidoo kale waxaa ku nool kumma naan kale oo laga saaray guryihii dowladda ay lahaan jirtay oo ay muddo deegaansanayeen iyo kuwa ka soo barakacay Abaaraha dalka ka jira.