Dowladda Turkiga oo xayiraad ku soo rogay barta Wikipedia

0

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xayiraad dalka oo dhan ah waxa ay ku soo rogeen barta internetka ee Wikipedia oo ah mid ka mid ah website-yada ugu caansan dunida.

Kooxda loo yaqaan Turkey Blocks ayaa sheegtay in isticmaalka bartaasi lagu joojiyay amar ka soo baxay mas’uuliyiinta Turkiga.

Dadka ku nool magaalada Istanbul ayaanay u suuragelin inay daalacdaan bogga Wikipedia haddii aanay isticmaalin barnaamijka loo yaqaan Virtual Private Network (VPN).

“Kaddib falanqeyn iyo tixgelin dhanka sharciga ah oo ku salka ku haysa qodobka Nr. 5651, ayaa waxaa tallaabo laga qaaday bartan internetka ah,” waxaa sidaasi laga soo xigtay Hay’adda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Tiknolojiyadda ee Turkiga.

Wax sabab ah lama sheegin.

Kooxda Turkey Blocks iyo warbaahinta Turkiga oo uu ka mid yahay wargeyska maalinlaha ah ee Hurriyet Daily News, ayaa sheegay in amarkan ku meelgaarka ah uu maalmaha soo socdo u baahan yahay in lagu xoojiyo xukun maxkamadeed oo dhameystiran.

Markii amarka xayiraadda uu soo baxay ayaa waxaa buuq laga dareemay baraha ay bulshadu kuwada xiriirto, iyadoo qaar ka mid ah dadka barahaasi isticmaalana ay isladhexmarayeen in ay suuragal tahay in arrintan la doonayo in lagu caburiyo dhaleecaynta ku daabacan bogga Wikipedia uu uga hadlo Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa horay si ku meelgaar ah u xayiray baraha bulshada ay kuwada xiriirto ee caanka ah ee ay ka midka yihiin Facebook iyo Twitter, gaar ahaan markii ay jiraan dibadbaxyo waa weyn ama weerraro argagixiso.