WAR DEG DEG AH:- Arrin Naxdin leh oo lagu arkay Wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho

0

Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa xiran kaddib markii gaari laga shakiyay lagu arkay Waddadaas,gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo Taleex.

Ciidamada Booliska ayaa lagu wargeliyay Gaarigaas oo muddo labo maalmood ah yaalla goobta hadda lagu baarayo ee Agagaarka Taree Biyaano.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ee goobta soo gaaray ay dhaq dhaqaaqa xaddideen islamarkaan Gaadiidka lagu amray in ay waddada ka leexdaan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa dadka lugeynaya ka wareejinaya Waddada,waxaana ay ku howllanyihiin sidii loo hubin lahaa gaarigaas.