WAR DEG DEG AH:- Dhalinyaro lasoo tarxiilay oo Muqdisho laga soo dejiyay

0

Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kusoo warmayaan in maanta laga soo dejiyay dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa soo ku xirnaa dalka Suudaanta Koonfureed Bilihii lasoo dhaafay.

Dhalinyaradaan ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 17 , waxaana lagu xiray Suudaanta Koonfureed ka dib markii lagu eedeeyay in ay tahriibayaan ahaayeen.

Soo deynta dhalinyaradaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaanta Koonfureed.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jubba ayaa dhawaan Warbaahinta u sheegay in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa soo ku xiran Xabsiyadda dalka Suudaanta Koonfureed.

Inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan xilliyadda ay tahriibayaan.