WAR DEG DEG AH:- Israsaaseyn Khasaare geysatay oo Muqdisho ka dhacday

0

Wararka naga soo gaaraya Beerta Jaadka ee degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in rag ku labisan dharka Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen halkaasi.

Ugu Yaraan Shan qof ayaa ku dhimatay goobtii ay israsaaseyntu ay  ka dhacay oo ah iridda Hore ee beerta Qaadka.

Dadka degaanka ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan dad dhaawacyo ay soo gaareen.