WAR DEG DEG AH:- Sarkaal Sare oo Xil ka qaadis lagu sameeyay

0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Macalin Nuur xil ka qaadis lagu sameeyay.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in Jen. C/llaahi Macalin Nuur oo xilkan muddo 7-sano hayay lagu bedelay Jeneraal Garabey.

Jen. C/llaahi Macalin Nuur ayaa ahaa Saraakiisha ugu saameynta badnaa, waxaa xilkan loo magacaabay xilligii dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Waxaa la sheegaa inuu ahaa Sarkaalkii ugu waqtiga dheeraa ee aan marna saameyn ku yeelan is bedeladii lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada lixdii sano ee u dambeysay.

Ninkan ayaa la dhashay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur, taasoo loo sababeyn karo sababaha uu xilkiisa ku waayay ama habka awood qeybsiga dowladda.

Tan iyo horaantii bishan ayaa waxaa dowladda Federaalka ay is bedelo ballaaran ku sameysay Taliyeyaasha ciidamada, Gobolka Banaadir iyo xilal kale, waxaana wali socota duufaanta xil ka qaadista ee dowladda Madaxweyne Farmaajo.