Xildhibaan Caan ah oo ka badbaaday Qarax Caawa Muqdisho ka dhacay

0

Qarax khasaare geystay ayaaa waxa uu ka dhacay xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay Dalcada Taleex, halkaasi oo ay u dhowdahay xarunta Degmada Hodan,  sida uu soo sheegayo wariye halkaasi ku sugan.

Dadka Degaanka ayaa inoo sheegay Qaraxan in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in lala beegsaday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Inta la ogyahay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa Saddex Qof, kuwaasi oo la sheegay in ay isugu jiraan dad shacab ah iyo Askar ilaalo u ah masuulkan Dowladda Federaalka ka tirsan.

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay Qaraxan in uu ka badbaaday Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.