Akhriso: Khasaaraha Maaliyadeed ee ka dhashay weerarkii Pizza House!

0

Dhalinyarada Maalgeshatay Pizza House ayaa maanta ka waramay khasaaraha maaliyadeed iyo midka nafeed ee ka soo gaaray qaraxii Maqaahida.

Milkiilayaasha ayaa sheegay in ay markii hore ku maalgeliyeen Pizza House lacag badan $300,000, hadana Khasaaraha ka dhashay weerar Al-shabaab ay June 14, 2017-kii ku qaadeen uu gaarayo in ka badan $165,000.

Pizza House:

Pizza House oo ah maqaahi iyo goob madadaalo oo ay dhalinyarada ka helaan Pizza, ciyaaro, 7D, Sawirro iyo arrimo kale oo dhalinyarada ku madadaalaan, waxaa la aasaasay April 2016-kii.

Lacagta ay ku bilaabeen markii hore intaa waa ay ka yareed laakin waxaa ballaarin lagu sameeyay maalmo ka hor qaraxa, iyada oo loo diyaar-garoobayey Ciidda.

Dhismayaasha ay ku kordhiyeen waxaa ka mid ahaa Hool weyn oo xafladaha ah, waxaana si gaar ah u iman jiray ardeyda iyo dadka eheladooda sagootinaya.

Khasaaraha Maaliyadeed Ee Piza House:

 

NO         Sheyga Gubtay Lacagta

1              7D Oo Ku fadhiyay           $35,000

2              Hoolka Cusub:   $60,000

3              Agab iyo Mashiinnada    $40,000

4              Dhismaha            $20,000

5              Khasaare Kale:  $ 10,000

Guud Ahaan:     $165,000

Khasaaraha Maaliyadeed marka laga soo tago, waxaa goobta ku geeriyooday 3 qof  oo shaqaalaha ka tirsan, Hal waardiye ah, mid nadaafad, Kabalyeeri  iyo nin Suuriyaan ah oo kerin jiray cuntada fudud.

Cabbaas oo ka tirsan Pizza House ayaa sheegay in qaraxa kadib ay isbar-bar dhigeen in la xiro goobta iyo in la soo celiyo isaga oo intaa raaciyay in la isla gartay in dagaal u geli doonaan dib u soo celinta goobtaas.

Pizza House waxaa ka shaqeyn jiray 36 qof, waxaana milkiilayaasha ay sheegayaan in aan abid goobtaasi  lagu cabin Sigaar iskaba daa Shiishad iyo Music.

Qarax ka dhacay Piza House iyo Posh June 14, 2017, waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, qaraxa waxaa sheegtay xarakada Al-shabaab.