Ammaanka xarumaha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo si weyn loo adkeeyay iyo Cabsi soo Wajahday Gudoomiyaasha

0

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka xarumaha Degmooyinka Magaalada Muqdisho, kadib qaraxii Shabaab ay la beegsadeen xarunta Maamulka Degmada Wadajir, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Qaraxaasi kadib waxaa cabsi xooggan ay soo food saartay ammaanka Degmooyinka kale ee Muqdisho, iyadoo durba Gudoomiyeyaasha Degmooyinka ay bilaabeen xeelado kala duwan oo ay ku sugayaan ammaanka xarumaha Degmooyinkooda.

Maamulada Degmooyinka qaar ayaa guud ahaan jaray wadooyinka soo horumara xarunta Degmada, waxa ay halkaasi ka mamnuuceen gaadiid yarba inuu maro oo aanan ka aheyn, kuwa ay wataan masuuliyiinta Degmooyinka.

Xarunta Degmada Hawlwadaag ayaa amnigeeda waxaa lagu aamiya caro tuur lagu wareejiyay (Iskoobare) ama difaac caro lagu wareejiyay oo guud ahaan Degmada xayndaab looga dhigay, taasi oo loo miciin biday in qaraxa waxyeeladiisa looga badbaadiyo Degmada iyo dadka jooga intaba.

Iyadoo dowladda ay heli karto ciidamo badan oo sugga ammaanka xarumaha dowladda hoose ee Muqdisho, ayaa waxaa la miciin biday caradaasi iyo dhagxaan waaweyn oo lagu aaminay ammaanka.

Sidoo kale xarunta Degmada Hodan, ayaa guud ahaan horteeda iyo dhinacyadeeda loo diiday inay maraan gaadiidka, kadib markii bir dheer lagu jaray wadooyinka agmara xarunta Degmada.

Xarumaha kale ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto cabsi xooggan oo Gudoomiyeyaasha cusub, mid kasta uu ku fekeraayo naqshad uu u arko inay ku badbaadi karto ammaanka dhismaha xarunta Degmada.

Al Shabaab ayaa hadda bilaabay bartilmaameedsiga Saldhigyada iyo xarumaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii ay u suurageli weyday inay weeraro ka gaystaan xarumaha waaweyn ee Dowladda.