Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay dalka Qatar iyo Xaalad adag oo laga soo sheegayo

0

Ciidamada dalka Turkiga ayaa waxa ay gudaha u galeen dalka Qatar, iyadoo ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa dalalka khaliijka oo si weyn ugu kacsan dalka Qatar, xiriirkana ay u jareen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Turkiga ayaa la xaqiijiyay inay gaareen Magaalada Doha ee dalka Qadar, sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi.

Ciidankaan ayaa la dejiyay Saldhiga Militariga Tariq bin Ziyad, halkaasi oo dhoolatus kula sameyan doonaan ciidamada dalka Qatar.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Qatar ayaa sheegay qorshaha dhoolatuska muddo dheer in laga shaqeynaayay, iyadoo ujeedka guud uu yahay soo bandhigista awoodaha ciidan ee labada dal iyo sida ay uga go’an tahay la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Dhoolatuskaan ay wada sameynayaan ciidamada dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa ku soo beegmay, iyadoo dalalka Saudi Arabia, United Arab Emirates (UAE), Bahrain, Egypt iyo dalal kale oo dhawr ah ay ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dalka Qatar.

Turkiga ayaa muujinaya sida ay u garab taagan yihiin dowladda Qatar oo ah dal Islaam ah, hadda lagu furay qalalaase siyaasadeed oo ku aadan in dalkaasi uu garab siiyo waxa loogu yeero argagixisada.

Qatar waxaa ay xiriir wanaagsan la leedahay waddamada Turkiga, Iran,Pakistan,Indonesia,Malaysia iyo waddamo kale oo Muslim ah islamarkaana u muujiyay taageero hiil iyo hooba la garab joogay.