Ciidamada Xasilinta oo Baaritaano xoogan ka wada Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada xasilinta amniga Magaalada muqdisho ayaa weli waxaa ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan Wadooyinka Waaweyn ee ku yaalla Magaalada muqdisho si ay amniga u xaqiijiyaan.

Ciidamada Xasilinta ayaa lagu arkayaa inta badan Isgoysyada Waaweyn ee ku yaalla Magaalada muqdisho ku waas oo baaraya Gaadiidka yar yar ee loo yaqaano nuuca raaxada iyo waliba kan dadka Shacabka ay raacaan ee loo yaqaano Bii’elka.

Ciidamada ayaa sitaxadar leh u istaajinaya Gaariga waxana Gawaarida yar yar ay u baarayan si koontorool leh,waxana sidoo kale jirta in ciidamadu ay dhgxaan waaweyn ay ku jareen Wadooyinka Jid Cadayaasha oo xaafaahda dhexmara.

24,kii Saac ee la soo dhaafay ayaa Ciidamadu waxa ay xoojiyeen amniga muqdisho,waxana Saraakisha Amniga iyo Madaxda Qaranka ay ku goodiyeen in muqdisho mudo lix bilood gudaheed ah ay amni uga dhigi doonaan.

Waxaa la arkayay Gawaari aad u farabadan oo taagan inta u dhaxeysa Isgoyasyada KM4 ilaa Zoope ku waas oo u diyaarsan in ay maran baaritaanada ciidamada xasilinta amniga Magaalada muqdisho balse weli ciidamada aysan jirin hub iyo waliba cid ay u soo qabteen falalka amnidaro ee mararka qaar ka dhaca Magaalada Muqdisho.