CODSI:- Dawladda Soomaaliya waa inay sharciyo adag kasoo saartaa Wasiirada, Saraakiisha iyo Xildhibaanada Taagan Maalin Walba Safaaradaha Dawladdaha Sheeye ku leeyihiin Muqdisho.

0

Waxaa nasiib daro ah iyo Qiyaamo Qaran in maalin walba Wasiiro, Saraakiil sare iyo Xildhibaanada Dalka Soomaaliya ay har iyo habeenba ama xiligi ay doonaan taagan yihiin safaaradaha Dawladdaha Shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho taasoo qatar ku ah Ammniga Guud ee Qaranka Soomaaliyeed ama aan oran karo waa Qiyaamo Qaran.

Dawladda waa inay sharciyo adag kasoo saarto, islamarkaana talaabo ka qaado Wasiirada ka tirsan Xukuumada FS, Saraakiisha sare ee ciidamada XDS iyo Xildhibaanada Baarlamaanka FS ee sida joogtada ah u tagaya safaaradaha dawladdaha shisheeye dalkeena u jooga iyagoo aan ku guda jirin wax shaqo ah oo dawladda ay la og tahay.

Wasiirkii, Xildhibaankii ama Sarkaalkii sare ee ka tirsan Ciidamada XDS ee taga ama lagu arko safaaradaha dawladda shisheeye isagoo aan ku guda jirin hawlo shaqo oo ay la og yihiin hay’adaha dalwadda Soomaaliya ee kala gadisan waa in sharciga lala tiigsadaa oo ciqaab adag la mariyaa.

Dawladdaha Caalamka Wasiirkii, Sarkaalkii iyo Xildhibaankii aan ku guda jirin hawl dawladdiisa la og tahay ee taga safaarado dawladdo shisheeye waad garan kartaan ciqaabta uu muteysanayo, maxaa diidaya in xiligan adag ee aan ku jirnana Soomaaliyana ay sidaa iyo si le’eg ulla dhaqanto Wasiirada, Saraakiisha iyo Xildhibaanadeeda?

Sidaa awgeed waxaan ka codsanayaa Madaxda sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoo garan kara xaalada dalka ku jiro iyo halka loo socdo waa inay si deg deg ah u soo saaraan sharciyo looga hortagayo arrinta qatarta ku ah Ammniga Guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Gabgabadii waxaan rajeenayaa in codsigaygaas oo ah Danta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed wax laga qaban doono, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo sugo geedi socodka Ammnigooda iyo Horumarkooda.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg!