DAAWO:- Dawladda Qadar oo Wiilkii Soomaaliyeed ee Imaaraadka laga soo eryay Qaabishay iyo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo.

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar ayaa soo dhowayn Balaadhan ugu Samaysay Masaajidka uu iimaamka ka yahay Sheekh C.rashiid Cali Suufi, Ismaaciil Cumar Madar oo ah Wiil Soomaaliyeed oo dhowaan Tartanka Qur’aanka uga qayb galay dalka Imaaraadka Carabta, islamarkaana la sheegay inay Saamaysay Arimaha Siyaasadeed ee ka Taagan Dalalka Khaliijka, Taasi oo sabab u Noqotay in dib loogu celiyo Soomaaliya, Wuxuuna intaasi kadib Casuumad ka helay Dawladda Qadar.

Cabdalla Maxamed Cali oo ah Macalinka Ismaaciil Madar ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay u Qaabileen.

Sheekh Cabdishiid Sheekh Cali Suufi oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu Ismaaciil ku Qiimeeyay Kaalmaha ugu Horeeya, Markii uu Daawaday Tartankii uu qayb galay, wuxuuna Nasiib daro ku tilmaamay in Qur’aanka alle la siyaasadeeyo, Sidoo kalana Dawladda Qadar ayuu uga mahad celiyey marti gelinta ay u samaysay Wiilka Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO
.