DAAWO: Dhismaha Pizza House oo dayactir lagu bilaabay

0

Dhismaha Hotel Pizza House oo ay weeraren Shabaab habeenkii Arbacadii todobaadkii aan soo dhaafnay, ayaa iminka waxaa lagu bilaabay dib u dayactir ku aadan bur burkii ka soo gaaray weerarkii Shabaab.

Dhalinyaro ka tirsan kuwa ku nool Gobolka Banaadir ayaa maanta u istaagay inay olole nadaafadeed ka sameeyaan dhismaha Pizza House, iyaga oo muujinaya inay aad uga xun yihiin wixii dhacay ayna ka soo kabsanayaan.

Pizza House ayaa waxaa iska leh dhalinyaro dalka wax ku baratay kuwaasi oo keenay fekerka ah in goob qurux badan oo lagu nasto laga yagleelo dalka, islamarkaana dhalinyarada kulmisa.

Shacabka Somaliyed ayaa uur ku taalo waxaa  ku noqotay dhacdadii Hotelka Pizza House oo Shabaab ay ku tilmaameen goob lagu tunto, iyadoo hadalka Shabaab uu yahay mid xaqiiqda ka fog, maadaama Pizza House ay tahay meel dhalinyarada ay u tagaan inay sawirada qurxoon ku soo galaan.

Weerarkii Hotel Pizza House, waxaa ku dhintay dad gaaraya 28 ruux oo isugu jira raggii meesha soo weeraray, ciidamo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah oo xilligaasi Hotelka ku sugnaa.

Dib u dayactirkaan lagu bilaabay dhismaha Pizza House ayaa muujinaya in weli dhalinyarada aysan ka quusan nolosha dhabta ah ee wax qabsashada, maadaama aaney u seexan weerar lagu doonaayay in lagu curyaamiyo dhaq dhaqaaqa bilic muujinta dalka.