DAAWO:- Dowladda UK oo kor u qaadeysa Taageerada Gargaarka ee Soomaaliya

0

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa  ku baaqday dadaal cusub oo dheeri oo wadajir ah si looga hortago in malaayiin qof u dhintaan gaajo iyo cudur.

Wasiiradda oo ahayd qofkii ugu horreeyay ee booqda Afrika doorshadi guud kadib ayaa ammaantay sida hoggaanka UK u badbaadiyo nolosha dad badan oo soo food saartay halista gaajada.

Lakiin waxay ka digtay in dhibaatadu ay gaartay heer xasaasi ah iyo in dardargalin la’aanta dadaalada beesha caalamka ay khatar ku tahay horumarka la sameeyay iyada oo taasi ay keeni karto in dad badan ay dhintaan isla markaana khalkhal u keeni karta gobolka.

Waxaa ay caddeysay in UK ay sii wadi doonto dadaalada, iyadoo ku dhawaaqday 90 milyan oo gini oo ah taageerada aadka loogu baahan yahay taasi oo caawin doonta in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya iyo Itoobiya oo u baahan biyo nadiif ah, cunto, iyo caafimaadka deg deg ah.

Deeqda lacagaha waxay isagu jiraan 60 milyan oo loogu tala galay Soomaaliya iyo 30 milyan oo loo qoondeeyay Itoobiya.

Soomaaliya  oo ah dal ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo xagjirnimo oo malaayiin qof ay ka carareen guryahooda, taageeradanada maaha kaliya caawinta dadka si ay u noolaadaan, waxaa kaloo la siinayaa fursad ay ku doortaan noloshooda iyo mustaqbalkooda si aan loogu qasbin inay ku biiraan kuwa xagjirka mise ay galaan safarka halista ah ee dibadda.

Dowladda Itoobiya waxay muujisay hogaan adag abaartii 2016 waxayna la yimaadeen in ka badan 700 milyan oo doolar si ay u daboolaan baahida dadkooda. Waxaan la shaqeynaynaa dowladda si loo hubiyo in ay si waxtar leh uga jawaabaan sanadkan, si loo qorsheeyo isla markaana mudnaanta loo siiyo ayna kor u qaadaan maalgalintooda ay uga jawaabayaan abaarta.

Hoos ka Daawo Sawirada:-