SAWIR:- Falaagada Al Shabaab oo markii ugu horeysay muuqaalka Axmed Godane baahiyay.

0

Ururka Falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa markii u horeysay soo bandhigay muuqaal uu ku jiro Hoggaamiyihii hore Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, iyadoo muuqaalkan looga sheekeynayo taariikhdiisa nololeed.

Muuqaalkan oo soconaya 1:24 ayaa waxaa lagu arkayaa Abuu Zubeyr oo xiran dhar madow, kuna hubeysan qoriga AK47, sidoo kale waxaa looga hadlayaa taariikhda iyo xiliga ay ka bilaabatay argagixisada Soomaaliya, laga soo bilaabo sagaashameeyadii iyo sida ay ku aas aasmeen iyo bilaabashadii ururkii xagjirka Maxkamadihii Islaamiga.

Hogaamiyihii la dilay ee aragagixisada Al Shabaab Axmed Godane ayaa waxaa muuqaalkan looga sheekeynayaa waxbarashadiisa argagixisonimo ee dalka Pakistan iyo dagaaladii uu ka soo galay dalka Afghanistan. illaa soo laabashadiisii Hargeysa dhamaadkii sanadkii 1999 iyo imaanshihiisa Koofurta Soomaaliya sanadkii 2003-dii.