DAAWO:- Guddoomiyaha Gobolka oo ku dhawaaqay Arrin Farxad u ah dadka Somaliland ka soo jeeda

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in magaaladda uu masuulka ka yahay ay ufuran tahay cid walba.

Isagoo la hadlayay ergadii maamulada ee ka qeyb galay shirkii dib uheshiisiinta Muqdisho ayuu Taabid Maxamed Cabdi sheegay in magaaladda Muqdisho loo siman yahay.

Duqa Muqdisho ayaa yiri “Muqdisho waa magaalo madaxdii dalka, waa meel aysan cidina marti ku aheyn hadii ay Puntland ka timid ama Jubbaland ama guud ahaan Soomaaliya”

Hadalka masuulkan ayaa kusoo aadaya xili dowladda SOomaaliya ay dhawaan maamulka degmooyinka gobolka u magacowday xubno beel ahaan aan kasoo jeedin magaaladda taas oo muujineysa in Muqdisho loo siman yahay.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=KKcZSrN4T9c