DAAWO:- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo Somaliland ku yiri Nin Abeeso koriyoow adigaa u aayaya.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shalay khudbad u jeediyey dadweyne salaada ciida ku tukaday Garoowe ayaa ku eedeeyey maamulka Somaliland inay taageerto Alshabaabka ku sugan Puntland.

”Waxaan ka xumahay inay jiraan dad dariskeena ah oo aad moodo inay taageerada Al­shabaab waqti ku iibsanayaan, waxaana u sheegayaa cida Al­shabaab dhibaatayn doonto inay iyaga noqon doonto” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Cabdiwali Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay nabad kula noolaato dariskeeda,waxaana uu intaa raaciyey in Al­shabaab aysan cidna ka naxayn ayna yihiin cadow kusoo duulay Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo kusoo duusha deegaanadeeda,waxaana uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaba in meel looga soo wada jeensado.

Isku soo wada duuboo maamulka Puntland ayaa dhowr mar oo hore ku eedaysay Maamulka Somaliland inay taageerto Al­shabaabka ku sugan buuraha galgala ee Gobalka Bari laguna soo tababaro deegaanada Soomaaliland,balse Soomaaliland ayaa iska fogaysay eedaha uga yimid Puntland.

HOOS KA DAAWO