DAAWO SAWIRADA:- Dekeda Wey nee Magaalada Barbara oo dab Xoogan ka kacay

0

Dab xoogan, ayaa fiidnimadii xalay ka kacay Dekeda Magaalada Berbera, inkastoo saacado ka dib lagu guuleystay in dabkaasi la demiyo.

Dabkan, ayaa ka kacay barxadda Dekeda Berbera, gaar ahaan qaybta la dhigo kunteenarada, ka dib markii uu qarxay mid ka mid ah kunteenaradii barxadaasi yaalay.

Qiiq iyo uuro xoogan, ayaa xilligii afurka ka dib isu shareeray cirka, waxaana intaasi ka dib loo istaagay, sidii dabkaasi lagu xakamayn lahaa, loona baqtiin lahaa.

Shaqaalaha gaadiidka dab demiska, ayaana ku guuleystay saacado ka dib in ay dabkaasi soo geba gebeeyan, sida uu xaqiijiyay Maareeyaha Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

Maareeyaha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Berbera, ayaa sheegay in lagu guuleystay in dabkaasi la baqtiiyo.

Maareeyaha, ayaa xaqiijiyay in dabkaasi uu ka dhashay kunteenar, balse maanu kala cadayn waxa dhabta ahi ee sababay in uu dab dhaliyo, ha yeeshee ay taasi ogaan doonaan marka baaritaan lagu sameeyo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaanu jirin wax raad ah oo dabkaasi uu ka tagey, marka laga soo taggo in uu burburiyay hantidii ku jirtay kunteenarkaasi iyo tiro ka mid ah shaqaalihii dab demiska oo ku waxyeeloobay.

Axmed Yuusuf Dirir, Maareeyaha Dekeda Berbera, ayaa tilmaamay in qaar ka mida shaqaalaha dab demiska ee shirkadda haamaha maamusha ee BOG, ay ku waxyeeloobeen dabkaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-