DAAWO SAWIRRO:- Madaxda Dawladda Federaalka oo Salaada Ciida kula tukaday Shacab Farabadan Masjidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ,Ra’sul wasaaraha Xukuumadda Dalka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiiradda XFS ka tirsan ayaa Shacab aad u tiro badan kula tukaday salaadda ciidda Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaaji ayaa salaada ka dib waxa uu masjidka isbaheysiga ka jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu madaxweynaha kula dardaarmayey Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ramadaankan uu ka duwan yahay Ramadaankii hore dhanka amni waxa uuna xusay in uu ka xisilanyahay kii sanadkii hore asaga oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad waarto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka kula dardaarmay in ay si buuxdo uga qeyb qaataan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ee dhibka ku haayo Bulshada Soomaaliyeeda.