DAAWO SAWIRRO:- Sidee Looga Ciiday Maanta Magaalada Garoowe.

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa tukashada Salaada ciidul-fitriga kala qayb galay boqolaal ruux barxad ku Taal Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxwayne Gaas ayaa farxadda cidda ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed ee ku kala tukanayey salaadda ciidu-fitriga daafaha, iyo guud ahaan umadaha islaamka waxaana uu Eebbe uga baryey inay ku ciidaan ciid wanaagsan.

“Ciid wanaagsan waxaan rabaa anigoo ka faa’iidaysanaya fadliga maalintan barakaysan ee ciidda in aan tahniyadda ciidda u diro shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeed, ILAAHAY waxaan ka rajeynayaa inuu ciiddan ciideeda kale inagu gaarsiiyo nabadgelyo, wadajir iyo midnimo” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland meel walba oo uu joogo ugu baaqay in ay adkaystaan amnigooda iyagoo la shaqaynaya laamaha kala duwan ee ammaanka.