Dad ay ku jiraan Soomaali oo gaari la jiirsiiyay iyo Khasaaro ka dhashay

0

Tiro badan oo dad ah ayaa dhaawac uu soo gaaray kadib markii gaari la jiirsiiyay dad wadada marayay meel u dhaw masjidka ku yaala waqooyiga London.

Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.

Hal qof ayaa lagu qabtay meel u dhaw masjidka xaafadaasi ku yaala ee Finsbury Park.

Shilkan waxa uu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobta ku sugan.

Tiro Soomaali ah oo Masjidka kasoo baxay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka .

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka .

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.