DEG DEG: Gudoomiyaashii Hore Ee G/Banaadir Iyo Gudoomiyaasha Cusub Oo Caawa Wada Kulmaya

0

Caawa ayaa la filayaa in gudoomiyaashii hore ee gobolkaan Banaadir ay kulan Afur ah ay magaalada muqdisho ugu sameeyaan gudoomiyaasha Cusub ee Gobolkaan Banaadir ee dhawaan loo magacaabay 15 degmo oo ka mid ah gobolkaan Banaadir.

Hotelka SYL,ee Magaalada muqdisho ayaa la filayaa in ay ku kulmaan,iyadoona kulankooda intiisa badan uu noqon doono mid ay isku xog wareysanayaan iyo soo jeedin talooyin ku aadan arimaha gobolka Banaadir oo la siinayo gudoomiyaasha Cusub ee Gobolkan Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay ula kulmay gudoomiyaashii hore ee Goblkaan Banaadir isagoo balan qaaday in meel cidlo ah aan looga tegi doonin islamarkaana wax uun la siin dono.

Gudomiyaasha Cusub ayaa gudoomiyaashii hore ku dhiiragelin doona in ay door muuqda ku yeelaan doonaan arimaha Gobolka Banaadir.

Markii aan Siyaasada dib u eegno waa markii ugu horeysayu ay kulmayaan ebid gudoomiyaal xilkii laga qaaday iyo kuwii lagu bedelay,waana waxyaabaha Cusub oo ay la timid dowladda Soomaaliay