DEG DEG:- Norway oo Aqoonsatay Baasaboor diblomaasiga Soomaaliya

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan midka diblomaasiyiinta.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in dowladda Norway ay Aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalalka Qaaradda Yurub kala hadlayay sidii ay u aqoonsan lahaayeen baasaboorka Soomaaliga.

Hay’adda Socdaalka ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay gaartay horumar ballaaran.