DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow oo Mareykanka uu Xayiraada ka qaaday

0

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo ay Dowladda Mareykanka Shalay oo jimco ahyed ka saartay liiska Argagixisada oo ay sanado ka hor ku dartay.

Shiikh Muqtaar oo la aaminsan yahay in uu ku dhuumaaleysanyo Qeyba ka mid ah Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ayaa la sheegay in ay hada raadinayaan Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa aaminsan in roobow uu doonayo in uu isku dhiibo Dowladda Soomaaliya taasina aysan u cuntimin Al-shabaab sidaas Aawgeedna ay bilaabeen in ay raadiyaan halka uu ku dhuumaaleysanayo Abuu Mansuur.

Abuu-Mansuur ayaa Al-shabaab kula jira Dagaal aan toos aheyn wax ka badan 3 sano isagoo kala soo baxay Ciidamo iyo gaadiid dagaal waxaana la sheegaa in ay joogaan Gobalka Bakool qeyba ka mid ah ee uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-