DHAGEYSO:- Arrin Halis ah oo laga soo sheegayo Gobolka Mudug iyo 10 qof oo Hal Arrin darted u dhintay

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Xarfo ee Waqooyiga Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu ka Dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka islamarkaana uu soo ritay Dad ka badan 100 Qof oo isugu jira Carruur iyo Haween.

Guddoomiyaha Xarfo Bashiir Macalin oo Saxafadda la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan 10 Qof oo isugu jira Dad waa-weyn iyo carruur ay Xanuunkaas u dhinteen,iyadoo Dad kale oo 100 ku dhow la jiifaan Xanuunka Shuban biyoodka.

Guddoomiyaha degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland iyo Hay’addaha Caafimaadka in ay Deg Deg u soo gaaraan.