DHAGEYSO:- Arrin Halis ah oo laga soo sheegayo Wadada Isku xerta Muqdisho iyo Jowhar

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi  Xuseen “ Cali Guudlaawe” ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Maamulka Hirshabeelle ay dhib weyn ku qabaan isticmaalka wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Waxa uu sheegay in saacado badan ay qaadaneyso isticmaalka wadada isa markaana uu waqti kaga dhumayo dadka Soomaaliyeed ee isticmaalayo wadadaasi.

Waxa uu ugu baaqay shirkadaha dhismayaasha ka shaqeeya in ay xooga saaraan dhismaha iyo dayactirka wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Waxa uu ku baaqay in meel loogu soo wada jeesto sidii wax loogu qaban lahaa burburka wadada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-