DHAGEYSO:- Booliska Calgary iyo Edmonton ee Dalka Canada oo Musliimnta maanta digniin u diray.

0

Noloshada Dadka Muslimiinta ah oo ay Soomaalidu ugu horeyso ayaa la sheegay iney halis ku jirto maalmaha dabaal dega ciidul Fitriga qeybo kamid ah dalka Canada.

Bayaan kasoo baxay dowladda Canada ayaa lagu sheegay in Jabhad hubeysan oo ay sameeysteen xagjir cadaanka Kanada kana soo horjeedo Muslimiinta looga dhawaaqay gobolka Alberta oo ah mid ka labaad ee Soomaalida ugu badan ee Kanada ay ku noolyihiin, marka laga tago gobolka Ontario.

Jabhadan ayaa isku magacowdey Sadex Boqolkiiba (3%), oo ay ula jeedaan dadkii Mareykanka ahaa ee la dagaalamey boqortooyadii Ingiriiska xilligii dhaqdhaqaaqa xoreyada looga madax-banaanaanayey xukunkii boqortooyadaas.

Jabhadan ayaa ku dayatey, islamarkaasna ay bahwadaagyihiin koxdii Mareykanka ka aas aasantey doorashadii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barak Obama ka dib.

Sidoo kale Jabhada Sadex Boqolkiiba waxaa Kanada laga aas aasey ka dib doorashadii Raisul Wasaaraha Kanada Justin Trudeau oo ku aadaneyd October 2015-kii. Balse intii hada ka horeysay tababar iyo diyaargarow ku jirtey.

Waxaa loo sheegay dadka Muslimka ah in ugaarsi lagu sameyn doono hadii aysan muujin feejignaan dheeraad ah, qaar kamid ah Soomaalida Canada ayaana sheegay in halista kooxdaas durba laga dareemayo goboladda qaar.

 

HOOS KA DHAGEYSO