DHAGEYSO:- Dowladda Somaliya oo Faah Faahin ka bixisay Madaxii Amniyaadka AL-Shabaab ee Muqdisho

0

Wasiirka Wasaarada amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxii Amniyaadka uruka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Sarkaalkan Shabaabka ah ee la qabtay ayaa waxaa lagu magaacabaa C/waaxid Khaliif Axmed (Ciise Tarbuun), waxaana lagu qabtay suuqa Bakaaraha.

Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay sarkaalkan in uu ahaa ninkii bixin jiray amarada dadkii lagu dilay Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay sababta loo xiray jidcadayaasha waooyinka Muqdisho in ay tahay xaqiijinta amniga, iyo sidii gacanta logu soo dhigi kooxaha dillalka geysta ee ku baxsada wadooyinka jidcadayaasha.

Waxa uu sheegay dhowaan jidadka in la furi doono, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaalla Bartamaha caasimadda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-