DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Sarkaal lagu dhex dilay Gurigiisa

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan oo la aamisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab in ay gurigiisa ku dhex dileen Cabdirashiid Barre Gurxan oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Ibraahim Hofood ayaa xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi.

Waxaa uu sheegay in dilkaasi ay geysteen lix dhalinyaro ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Amniga ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Ammaanka ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-