DHAGEYSO:- Faroole oo sheegay in Wasiir Xoosh Jibriil Shirarkii uu ku qabtay Garoowe ay yihiin kuwa qalad ah, Shacabkana ugu baaqay iney la dagaalaan

0

Madaxweynihii hore ee Puntland haddana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si kulul uga hadlay Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Socdaal uu Wasiirka Dastuurka Xoosh Jabriil uu ku tagay Magaalada Garowe.

C/raxmaan faroole ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu Faragelin ku sameeyay Dastuurka KMG Soomaaliya qaarna uu qalday,waxaana uu intaa ku daray Sanatar Faroole in Dastuurkaan horay dhib badan looga soo maray Shaqsiyaadna aysan waxba ka badali karin.

Sanatar faroole ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil uu Faraha kula jiro Shaqadii ay qaban lahaayeen Baarlamaanka Labada Gole islamarkaana uu hadda wado Marin Habaabin Bulshada lagu qaldayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-