DHAGEYSO:- Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire “Waxaan aad u difaaci jiray xuquuqda shacabka Puntlannd”.

0

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, ayaa sheegay inuu aad u difaaci jiray Xuquuqda shacabka Puntland, isla markaana uu ahaa nin ku ad adag shaqadiisa.

Siciid Xassan Shire ayaa sheegay in Madaxda uu la shaqaynayay uu khilaaf soo kala dhexgalay, taasna ay keentay inuu iscasilo.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in marka uu qiimeeyay xaalada uu go’aansaday inuu shaqada ka tago.

Wuxuu sheegay in Golaha Baarlamaanka Puntland loo adeegsaday, isagoo si wayn u duray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO